Olivier Giroud Vs David Luiz.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Martin Keown ayaa rumaysan in dagaalka dhanka kubadaha madaxa ee dhexmari doona David Luiz & Olivier Giroud noqon doono furaha lagu kala badin doono kulanka Wembley ka dhici doona.

Labada tababare ee Mikel Arteta iyo Frank Lampard ayaa isaga hor iman doona kulan Final ah oo si weyn loo sugayo iyaga fursad u haysto in ay ku guulaystaan koobkoodii ugu horeeyay.

“Maanta waxa la arki doonaa Olivier Giroud Vs David Luiz, Weeraryahankii Hore ee Arsenal oo ka hor iman doona daafacii hore ee Chelsea”ayuu yidhi.

“Giroud waxa uu ciqaabay Victor Lindelof kulankii Semi-finalka ee ay Chelsea dhaaftay Man United isaga oo gool ka dhaliyay karoos uu Cesar Azpilicueta u soo dhigay”.

“Arsenal uma ogolaan karto in ay arintaas dhacdo maanta”.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *