Frank Lampard oo dooran raba Kepa Arrizabalaga iyo Caballero ka hor Final-ka FA cup.

Tababaraha kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa qirtay in uu go’aan adag hor yaalo kuna saabsan doorashada Labada Goolhaye ee Kepa Arrizabalaga iyo Willy Caballero kulanka finalka FA Cup laakiin waxa uu ku baaqay in ay xiddiguhu is taageeraan wax walba oo ay tahay doorashadiisa shaxda Arsenal.

Blues ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigtay tan ilaa markii uu dib u bilowday xilli ciyaareedkan iyaga oo badiyay 10 ka mid ah 13 kulan oo tartamada oo dhan xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka Goolhaye Kepa.

Khaladaad badan oo uu sameeyay Goolhaye Kepa ayaa sabab u noqday in chelsea lala xidhiidhiyo Goolhayaal badan oo ay ka mid yihiin Oblak, Onana iyo Nick Pope.

Lampard ayaa u xushay Caballero kulankii Semi-final-ka FA Cup-ka ee Man United halka uu 38 jirku sidoo kale ku bilowday Kulankii Wolves ee ugu dambeeyay premier League.

“Sida aan aragnay xilli ciyaareedkan waxa aan badalaa marka aan dareemo in aan u baahanahay in aan badalo”ayuu Lampard yidhi markii wax laga waydiiyay doorashada Goolhayayaasha.

“Mar walba waxa aan raacaa fikirad aan ugu badan karno kulanka mar walba waxa arintaas ku jirta ka fikirsta kooxda naga soo hor jeeda”.

“Kulamada waaweyn ee sidan oo kale ah wax walba ay adagtahay sababta oo ah ma fududa in la ogaado kulamada aad u baahantahay in aad ciyaarsiiso”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *