Ururrada Bulshada Rayidka ah oo cambaareeyeen dowladda Soomaliya

Gudaha ee dalka soomaliya  wararka ka soo baxaya  waxay sheegayaan in ururada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed ay cambaareeyeen magacaabistii ay Khamiistii lasoo dhaafay sameeyeen golaha Soomaaliya, kuwaas oo ay tilmaameen in dhamaantood ay yihiin ku simeyaal kalsoonidii lagala noqday.

Bayaankani ka soo baxay ururada Bulshada Rayidka ah ayaa lagu sheegay in golaha wasiirrada ee xukuumaddii dhacday aysan awood u lahayn inay magacaabis sameeyaan, isla markaana wixii ay magacaabaan aysan sharciga waafaqsaneyn.

Bayaankani ayaa  waxaa lagu xusay in goluhu uusan heysan wax sharciyad ama kalsooni baarlamaan ah, sidaas darteedna waxay magacaabeen ay sharci darro yihiin.

Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa soo jeediyey in soo macaabista golaha Adeegga Garsoorka iyo  hey’adda Batroolka dalka lagu sugo xukuumad cusub oo kalsooni ka heysata baarlamaanka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *