Kenya iyo Tanzania oo kala go’ay

Dowladda Tanzania ayaa waxay shaaca ka qaaday in ay joojisay  oo ay hawadeeda ka mamnuucday   diyaaradaha Shirkadda  duulimaadyada ee dalka Kenya Airways 

Dowladda Tanzania ayaa waxay sheegtay in ay joojisay oo ay hawadeeda ka mamnuucday  diyaaradaha Kenya airways oo duulimaadyada tooska ah ku tagii jiray  Dar es salaam, Kilimanjaro  iyo  Zanzibar ee dalka Tanzania 

Tallabadani ay ku dhaqaaqday dowladda Tanzania ayaa waxay ku soo  begmeysa iyadoo maanta dowladda Kenya ay  dib uu furtay duulimaadyada caalamiga ah  ee qaar ka mid ah wadamada calaamka. 

Dowladda Kenya ayaa waxay sheegtay in diyaaradaha  dalalka  China, South Korea, Japan, Canada, Uganda, France, Namibia, Zimbabwe, Ethiopia, Rwanda, Switzerland  iyo  Morocco loo ogalaaday  in ay rakaabkooda keeni karaan dalka .

Dalka Tanzania ka mid ah wadamada dowladda  ay uu ogalaatay in ay diyaaradahooda ay ku soo dagi karaan gudaha ee dalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *