Kenya oo 52 xaaladood oo COVID -19 oo maanta la helay

Wasaarda cafimaadka ee dalka aya sheegtay in 24-kii saac de laso dhafay dalka laga helay 52 kiis oo horleh taasi oo tirada guud ee dadka qaba caabuqa corona ka dhigeysa 1161 ruux.

Wasiirka caafimaadka ee dalka aya sido kale sheegay in 5 ruux oo horleh ay ka bogsoodeen cudurka taasi oo tira guud ee dadka cudurkasi ka dhigay 380.

wasiirka aya sheegay in 23 kamid ah kisaaskasi ay laga helay niarobi halka 7 kalena laga helay mombasa.

Wasiirka aya sido kale sheegay in kountiga busia laga helay 7 kiis.

Wasiirka caafimaadka oo maanta saxaafada kula hadlayay magaalada machakos aya sheegay in uu booqan doono dhamaan kountiyada dalka sii uu kormeero diyaar garowga kountiyada ee cudurka.

Wasiirka aya sheegay in wasaarada caafimaadka ay tababaartay ila iyo  11000 oo shaqaala caafimaad kuwaasi oo ka qayb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah cudurka covid-19.

wasiirka aya sido kale sheegay in dowladda ay shaqaleysiin doonto  5,000 oo ah shaqala caafimaadka dadweynaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *