Macalin wax ka dhiga jaamacadda Nairobi oo geeriyooday

Mid ka mid ah macalimiinta wax ka dhigaan jaamacadda Nairobi ayaa  manta geeriyooday .

Dr Ken Ouko oo wax ka dhigo  jaamacadda nairobi ayaa uu dhintay cudurka corona sida ay sheegtay jaamacadda .

Agaasimaha isgaarsinta jaamacadda nairobi John Orindi ayaa sheegay in  macalinkani lagu daaweynayey isbitaalka Agha Khan  halkaasi oo aad markii danbe ku dhintay .

Mr John Orindi  oo qaadka telefoonka ay ku wareysatay warbaahinta qaran ee KBC-da ayaa sheegay  in  dhimashadii Ouko ay dhabar jab weyn ku tahay jaamacadda iyo dalka 

Mr John Orindi   ayaa sida oo kale sheegay in Dr Ken Ouko  uu ka tirsanaani jiray kooxda  YK92 oo ay hoggaamin jireen William Ruto iyo Cyrus Jirongo  kuwaasi oo uu ololeyn jiray dib uu soo doroshada madaxweynihi hore ee dalka  Daniel arap Moi.

Dhanka kale  ku xigeenka  hormuudka jaamacadda nairobi  Prof Stephen Kiama ayaa ku tilmaamay geerida macalinkani ”khasaaro weyn oo soo gaartay jaamacadda iyo dalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *