Man United iyo Borussia Dortmund oo ku heshiiyay saxiixa Jadon Sancho.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa lagu soo waramayaa in ay Kooxda Man United kala heshiisay saxiixa xiddiga Jadon Sancho kaas oo ay ku iibin doonto lacag dhan 60 Milyan oo euro iyo lacago gunooyin ah oo kor ugu kacaya 100 milyan oo euro.

Xiddiga reer England oo dhaliyay 20 gool sidoo kale caawiye ka noqday 20 kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii dhamaaday ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Old Trafford bihihii ugu dambeeyay.

Wargayska Independent ayaa sheegaya in ay labada kooxood ka shaqaynayaan in ay dhamaystiraan saxiixa xiddiga iyagaa oo heshiis hordhac ah wada gaadhay.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Bundesliga ka ciyaarta diyaar u tahay in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro iyo gunooyin kor ugu kici doona 100 milyan oo euro.

Dortmund ayaa la sheegayaa in ay xiddiga ku riixayso in uu ka tago kooxda waliba heshiis laga gaadhi doono saxiixa ka hor inta ayna gaaadhin 10 bisha August ee soo socota.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayay xiddiga reer England laakiin United ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *