Xisbiga KANU oo taageersan nidaamka qoondeynta dakhliga ee hal qof,hal cod,hal shillin,

Taageerayaasha Xisbiga KANU ee deegaanka Kirinyaga ayaa waxay sheegeen in ay si weyn uu taageersan yihin nidaamka qoondeynta dakhliga ee hal qof,hal cod,hal shillin,

Taageerayaashani Xisbiga KANU ee deegaanka Kirinyaga ayaa waxay carabka ku adkeeyeen in ay muhiim tahay in dowladaha countiyada ay uu kala qeybsadan dakhliga ee nidaamka iyadoo la raacayo nidaamka hal qof,hal cod,hal shillin.

Taageerayaashani oo aad horkacayo guddomiyaha xisbiga KANU deegaanka Kirinyaga Mwangi Gathungu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in nidaamka qeybsiga dhakliga ee hadda jiro uu yahay mid takooraya qaarb ka mid ah ismaamulada kala duwan ee dalka.

Mr Mwangi Gathungu ayaa sida oo kale ugu baaqay senetarada ka soo horjeedaan nidaamka qoondeynta dakhliga ee hal qof,hal cod,hal shillin ay arrintaasi ka fiirsadaan islamarkaasina ay taageeraan nidaamkani ee ah hal qof,hal cod,hal shillin

Mr Mwangi Gathungu ayaa nasiibo xumo ku tilmaamay in qaar ka mid ah countiyada oo ay dad yar ku nool yihin ay helaan lacago badan halka ay sida oo kale aysan ka qeybqaqaadanin horumarka ee dalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *