Maxabuus laga soo daayey dalka Libya

Wararka ka soo baxaya gudaha ee dalka Lbya ayaa waxay sheegayaan in la sii daayey maxaabiis ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya  kadib markii hey, adda Amnesty International ay ka qayb qaadatay siideyntooda.

Maxaabuustani oo ay tiradooda gaareyso  41-qofood  la soo daayey   kuwaas oo ay ku jiraan xubno maleeshiyaad ah oo ka bar-bar dagaallami jiray  Jeneraal Khaliifa Haftar oo dagaal adag kula jira dowladda sharciga ah ee dalkaas Libya.

Dagaalayahaanadani ayaa waxaa  lagu soo qabtay dagaalladii qaraaraa ee ka dhacay bariga dalkaas Libiya, una dhaxeeyey ciidamada dowladda uu caalamku aqoonsanyahay oo garab ka heleya xoogaga dalka Turkiga iyo xoogga uu hoggaamiyo Jeneraaalka mayalka adag Khaliifa Haftar.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *