Cidamada ATPU-da oo xabsiga dhigay Idd Seleman Bakari

Wararka na soo garaya ayaa waxay sheegayaan in cidamada la dagaalanka argigixisada  ay gacanta ku hayaan nin  ay ka qabteen deegaanka Eastleigh  kaasi oo la sheegay in uu u socday dalka Soomaliya si uu ugu qeybgalo tababaro ay soo qaban qaabisay  kooxda Al Shabaab.

Cidamadani booliska ayaa waxay  magaca  ninkani ku sheegeen Idd Seleman Bakari kaasi oo ay ka qabteen deegaanka Eastleigh maalintii arbacada aheyd  kadib markii ay cidamadani heleen  macluumaadyo kala duwaan oo la xiriirinayaan ninkani falal amni daro .

Cidamadani la dagalaanka  argigixisada ayaa waxay sida oo kale sheegeen in edeysanahani uu mar kasta qaadka telefoonka uu kula xiriiri jiray  dagaal yahanada kooxda alshabab ee ku sugan gudaha dalka soomaliya 

Maalintii khamista aheyd ayaa taliye  Fredrick Ouma wuxuu sheegay in ay heleen amarro uu ogolaanaya in edeysanahani ay xabsiga ku sii haayaan ilaa  ay ka soo dhameystirayaan baaritaanadooda .

Taliye  Fredrick Ouma oo ka soo hormuuqday  maxakamadda ku tala deegaanka Kibera ayaa sheegay in edeysane Idd Seleman Bakari ay marin habaabiyeen uruurada kooxda al shabab si dhow ula shaqeeyaan ee ku sugan gudaha deegaanka Mombasa .

Garsooraha maxakamaddani ayaa amar ku bixiyey in edeysanahani lagu sii haayo  saldhiga booliska  ilaa khamista inagu soo adaan oo kiiskani dib loo dhageysan doono .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *