Madaxweynaha dalka oo Muslimiinta ugu hambaaliyeyay Munasabada Cidul-adha

Madaxweynaha dalka uhuru Kenyatta ayaa Muslimiinta ugu hambaaliyeyay Munasabada Cidul-adha ga ee Maanta.

Madaxweynaha ayaa Muslimiinta kula dardaarmaay In ay xil iska saaran xakameynta faafida cudurka corona virus-ka inta ay ku guda jiraan Dabaal daga maanta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka uu kujiro Marxalad adag oo uu sababay cudurka corona virus-ka.

Dhanka kale Madaxweyne kuxugenka dalka William Ruto ayaa Muslimiinta ugu baqay in ay wakhti la qaataan qoysaskooda isla markana ay caawiyaan kuwa tabarta yar ee aan heli Karin wax ay cunaan maanta.

Dr Ruto ayaa sheegay in dalka uu barwaaqo gaari karo oo kaliya marka ay dadka nooqdaan kuwo alle ka cabsi badan oo masaakiinta caawiya.

Madaxweyne kuxugenka dalka ayaa Muslimiinta uu  rajeeyay  farxad iyo reyn reyn waxaa uuna alle uga baryay in uu ka aqbaalo acmaasha saalixa ee ay sameeyeen.

Munasabada Ciidul adhxa ayaa ah maalinka ugu dambeysa ee acmasha Xaajka waana maalin ay Muslimiinta gowracaan xoolaha sida ariga iyo lo’da.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *