ku simaha Xooghayaha Ururka Dhakhaatiirta oo laga helay Cudurka corona virus-ka.

Ku simaha Xooghayaha Ururka Dhakhaatiirta Caafimaadka  iyo Ururka Dhakhaatiirta Ilkaha ee dalka Dr. Chibanzi Mwachonda ayaa laga helay Cudurka corona virus-ka.

War qoraal ah oo kaso baxay Kusimaha Xooghayaha ayaa waxaa uu ku sheegay in uu Cudurka ku dhacay isaga oo guddanaya howlahiisa shaqo.

Dr. Mwachonda ayaa sheegay in iminka ay Xaaladiisu dagan tahay isla markana uu is karantiilay.

Wasaarada Caafimaadka ayaa bilawday in ay raadiso dhaaman dadkii uu la kulmay sii iyaagana loo karantiilo.

Ku simaha Xooghayaha Ururka Dhakhaatiirta Caafimaadka  iyo Ururka Dhakhaatiirta Ilkaha ee dalka Dr. Chibanzi Mwachonda ayaa Wasaarada Caafimaadka ugu baaqay in ay shaqaalaha caafimaadka siiso waxyaabaha ay uu baahan yihiin sida agabka looga gaashanto cudurka corona virus-ka.

Dr Mwachonda ayaa dhanka kale kenyaanka ugu baaqay in ay uu hoogaan samaaan amaarada dowladda iyo Talloyinka Wasaarada caafimaadka isla markana ay mar waliba gacmaha sabuun ku dhaqdaan sii loo xameyo faafida cudurka corona virus-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *