Philippe Coutinho oo doortay kooxaha u ku biri doono.

Philippe Coutinho ayaa umuuqda inuu ka tagayo Barcelona xagaagan, waxaana uu door bidayaa inuu ku biiro kooxda ka ciyaarta Premier League ee Chelsea.

Waxa sidaas laga soo xigtay wargayska Mundo Deporto kaas oo sheegaya in ay Blues ka mid ah tahay 6 kooxood oo premier League ah oo xidhiidh la soo sameeyay wakiilka xiddigii hore ee kooxda Liverpool halka ay Kooxaha Arsenal, Tottenham Manchester United, Leicester & Newcastle sidoo kale xiiso u qabaan.

Bayern Munich oo ah kooxda uu Coutinho heshiiska Amaahda ah kula joogo ayaa dhankeeda dookh u haysata in ay 120 milyan kula wareegto xiddiga laakiin waxa ay diiday in ay sidaas samayso.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay doonayso in ay iska iibiso xiddigii hore ee Liverpool si ay lacag ugu hesho soo xero galinta xiddigo kale oo ay doonayso.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay 21 gool 76 kulan oo uu u saftay Barcelona ka dib markii uu lacag rikoodh ah oo dhan 160 miluan oo euro ugaga soo biiray kooxda bishii Liverpool suuqii January 2018 laakiin ku fashilmay kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *