amacada Nairobi oo la sheegay in aan dib loo furi doonin bisha September.

Jamacada University of Nairobi ayaa sheegtay in anan jamacadaasi dib loo furi doonin bisha September sida ay ku talisay Wasaarada caafimaadka.

Maamulaha Jamacadaasi Professor Kiama Gitahi ayaa sheegay in guddiga saree ee jamacadaasi  ay ku heeshiyeen in jamacada aanan sanadkan dib loo furin maadama uu jiro khatarta cudurka corona virus-ka.

Maamulaha guud ee jamacadaasi ayaa sheegay in ardeyda ay ku akhrisan doonan qaab online ah tan iyo inta uu ka yaraanaayo cudurka corona virus-ka.

Maamulaha ayaa sido `kale sheegay In ardeyda cusub ee kuso biraya jamacada aynan xarumaha jamacada tagi donin balse qaab online ah lagu qaabili doono.

Maamulaha ayaa sido kale sheegay in qalin jabinta jamacada ee sanadkan ay ku dhici doonto qaab online ah.

Ugu yaraan afar kamid ah shaqalaha jamacadaasi ayaa uu dhintay cudurka corona virus-ka iyaada oo dhowr kalena ay karantiil kujiraan kadib markii cudurkasi laga helay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *