Shirkada Mpesa Foundation oo Cudurka Corona la dagaalameyso

Shirkada Mpesa Foundation ayaa shaqaalaha caafimaadka ee kountiyada Kilifi iyo Kwale gaarsiyay agabka looga gashanto cudurka corona virus-ka oo gaaraya 4.5 Milyan oo shilin.

Shaqaalaha caafimaadka ee kountiga kilifi ayaa helay agab qiimahiisu gaaraya 3 milyan kuwaasi oo iskugu jira 1000 kamid ah maaskarada afka lagu xiirta nooca N95 3000 oo ah Maryaha ay shaqalaha caafimaadka xirtaan marka ay la tacaalayaan bukaanada cudurka corona virus-ka iuo 500 oo ookilaha qaaska ah ee ay dakhaatirtu xirtaan.

Agaasiimaha shirkada M-pesa Foundation  Les Baillie, ayaa sheegay in shirkadaasi ay 20 milyan oo agabkasi ah uu qaybin doonto shaqaalaha caafimaadka ee 7 kounti.

Shirkada ayaa agabyaadasi horaan uu qaybisay kountiyada Nairobi iyo  Machakos iyaada oo sido kale kountiyada Busia, Migori iyo  Kiambu la gaarsiin doono.

Labaadii bilood ee aynu soo dhaafnay ayaa waxaa ay shirkada kale ee Safaricom Foundation agabyo kuwan la mid ah uu qaybisay shaqalaaha caafimaadka ee kountiyada  Meru, Kajiado, Baringo, Uasin Gishu, Narok, Nakuru iyo Mombasa .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *