Kenya oo manta laga helay kiisas badan oo COVID-19.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa waxay sheegtay in maanta dalka gudahiisa laga helay 796 kiis oo cusub oo cudurka Corona .

Tirada guud ee kiisaska cudurka corona ee gudaha ee dalka ayaa waxay gaartay 15,601.

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr Mercy Mwangangi  oo khudbadda maalinlaha Cudurka Corona uu soo bandhigtay Kenyanka ayaa sheegtay in 24-kii sacadood ee la soo dhaafay dad gaaraya 6754 laga baaray cudurka Corona  halka  796 qof oo ka mid ah dadkani laga helay cudurka Corona .

Xoghayaha maamulka wasaaradda caafimaadka ee dalka Dr Mercy Mwangangi  ayaa sida oo kale sheegtay in 378 bukaan oo dheeraad ah ay ka soo boogsadeen cudurka Corona 24-kii sacadood ee la soo  dhaafay taasi oo tirada bukanada ka soo boogsatay cudurkani ka dhigeyso 7,135.

199 bukaan oo ka mid ah bukaankani  ka soo boogsadeen cudurka Corona ayaa waxaa lagu daryeelayey guriyahooda  halka 179 -ka bukaan oo kale laga soo saaray isbitaalada kala duwan ee dalka .

Saddax bukaan oo dheeraad ah ayaa uu dhinteen cudurka Corona  taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 263 .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *