Arsenal oo nambar cusub u xirtay Bukayo Saka & William Saliba.

Xiddigaha Bukayo Saka & William Saliba ayaa noqon doona xiddigo muhiim ka ah dib u dhisida Mikel Arteta ee kooxda Arsenal.

Labada xiddigbana waxa la siiyay Lambaro cusub oo ay xidhan doonaan xilli ciyaareedka dambe taas oo cadayn u ah sida ay labada xiddig la dhabar uga noqon doonaan mustaqbalka Gunners.

Saka ayaa xilli ciyaareed cajiib ah ku riyaaqay isaga oo kooxda ka caawiyay dhalinta goolla badan isaga oo xiddigu noqday xiddiga da’yarka ah ee ugu fiican kooxda Arsena xilli ciyaareedkan.

Saka oo kulankiisii ugu horeeyay u saftay Arsenal kulan Europa League ah sanadkii 2018 ayaa xilli ciyaareedkan kooxda u ciyaaray 38 kulan tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay 4 gool.

Xiddiga ka yar 19 jirka ayaa sidoo kale kooxdiisa caawiyay goolal ka badan xiddig kasta oo Arsenal ah xilli ciyaareedkan isaga oo caawiye ka noqday 11 gool.

Saka ayaa haatan kooxda u xidha Lambarkka No.77 laakiin kadib xilli ciyaareed horumar leh xiddiga da’yarka ah ayaa la siiyay Lambarka No.7 isaga oo mari doona wadada halyeeyada Liam Brady, David Rocastle & Robert Pires kuwaas oo soo xidhay lambarkaas.

Dhanka kale xiddiga William Saliba oo kooxda ku soo laaban doona ayaa la siiyay lambarka No.4 isaga oo xidhan doona xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu soo dhamaystay heshiis amaah ah oo uu kula joogay kooxda Saint Etienne.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *