Guddiga la dagalaanka badeecooyinka been abuurka ah wacyegelin iyo seminaar fidin doono.

Guddiga la dagalaanka badeecooyinka  been abuurka ah  ayaa sheegay in dowladaha countiyada  uu ka qeybgalinaya dagaalka ka dhanka ah badeecadaha been abuurka ah oo ku sii faafaya  suuqyada kala duwan ee dalka .

Sarakiisha guddiga la dagalaanka badeecooyinka  been abuurka ah ayaa waxay sheegeen in wacyegelin  iyo seminaar  loo fidinaya daneeyayaasha  countiyada si ay uu aqoonsadaan oo ay gacanta ugu dhigaan badeecooyinka been abuurka .

Madaxa fulinta guddiga la dagalaanka badeecooyinka  been abuurka ah Elema Halake ayaa sheegay in marka ugu horeysay ay  qaadi doonan dagaal ka dhan ah  soo saarista iyo iibinta  qalabyada leyskiiga ilaaliyo cudurka Corona oo tayadoodu ay hooseyso 

Madaxa fulinta guddiga la dagalaanka badeecooyinka  been abuurka ah Elema Halake  ayaa carabka ku dhuftay in badeecooyinka been abuurka ay ka hor istagaan  shirkadaha wax soo saarka , ganacstada  iyo macamiisha  in ay helaan badeecooyin tayadoodu ay sareyso .

Mr Elema Halake ayaa sheegay in la sameeyo  guddiga oo ay ku jiraan dowladaha countiyada oo la dagalaamaya badeecooyinka been abuurka ah .

Dhanka kale  guddomiyaha guddiga  la dagalaanka badeecooyinka  been abuurka ah Flora Mutahi ayaa sheegtay in mudnaanta koowaad la saaraya dagaalka ka dhanka ah badeecooyinka been abuurka ah iyo ganacsiga sharci darada ah 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *