Dowladda Soomaliya oo bilowday soo dad gureynta muwaadiniinta ku xaniban Calamka

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta  shaaca ka qaaday  in ay si rasmi ah  uu bilowday in  ay dalka dibaddiisa ka soo daadguraysato muwaadiniinteeda in ka badan muddo bil uga xayirnaa howlaha socdaal joojinta la xiriirta la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Karoona feyrus.

 

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji oo goor dhow la hadlay saaxafadda ayaa sheegay in maalintii khamista aheyd  dadka gaaraya 114  muwaadin soomaliyeed  oo ku xanibnaa dalka  Kenya  la geeyey dalka soomaliya .

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 1,594 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 204 ruux oo bogsatay iyo 61 ruux oo u geeriyootay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *