Mareykanka oo ka baxaya Heshiis muhiim ah

Xukumadda Washington  ayaa waxay daboolka ay ka qaaday in ay ka bixi doonto  heshiiska muhiimka ee oggolaanayey diyaaradaha aan hubeysneen iney hawada waddamada heshiiska saxiixay ay si xor ah u dul maraan, heshiiskasi oo loo yaqaanno ‘Open Sky Treaty’.

Dowladda ayaa sheegtay in heshiskani la dhaqangeliyey  sanadkii 2002-dii uu ka bixi doono

Mas’uul sare oo dowladda Mareykanka ka tirsan  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu dalkiisu uu heshiiskan uga baxayo maadaamaa uu Ruushka marara badan uu ku xadgudbay heshiiskaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu isna sheegay in la joogo “fursaddi ugu wanaagsaneyd oo heshiis cusub” lala geli lahaa Ruushka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykankana waxay sheegeen iney Washington heshiiska 6 bilood gudahood kaga baxeyso.

35 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Ruushka, Canada iyo Britain ayaa heshiiskan qayb ka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *