Juventus oo ku dhow saxiixa Paul Pogba dib.

Wararka ka imanaya France ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay wadahadalo la bilowday Mino Raiola si ay Paul Pogba dib ugu soo celiso Turin Man United-na kala soo saxiixato.
Sida laga soo xigtay wargayska le10sport wadahadalada ayaa bilowday bishii April si ay kooxdu dib ugu soo celiso xiddiga reer France xagaaga.
Pogba ayaan marna qarin jacaylka uu u qabo Juventus waxana jira shalayn uu ka qabo in uu kooxda isaga tagay sanadkii 2016 markaas oo uu ku biiray Man United.
Real Madrid, Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaan diyaar u ahayn in ay bixiyaan lacagta lagu iibinayo xiddiga taas oo Juventus ka dhigaysa kooxda ugu cad-cad saxiixa xiddiga.
Iyada oo Miralem Pjanic ka tagayo kooxda sidoo kale uu shaki ku jiro mustaqbalka Adrien Rabiot kooxda Juventus ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.
Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay oo 27 jir noqday dhawaan ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxda Inter Milan halkaas oo uu kula midoobi karo Tababare Antonio Conte.
Xiddiga khadka dhexe ee Pogba ayaa 178 kulan u saftay Juventus tartamada oo dhan isagoo u dhaliyay 34-gool iyo 40-caawin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *