Man United Vs Chelsea

Kulan xiiso leh ayaa garoonka Wembley Stadium ku dhex mari doona kooxaha Man United iyo Chelsea kulan ka tirsan Semi-finalka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Labada Kooxood ayaa ku dagaalmaya in ay Final-ka Tartanka kula kulmaan kooxda Arsenal kuwaas oo iska xaadiriyay finalka tartanka kadib guushii Man City.

Dhanka kale labada kooxood oo uu dgaaal adag kala dhexeeyo boosaska champions League ayaa markan u dagaalami doona Final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Man United Vs Chelsea

Tartanka: FA Cup-ka.

Garoonka: Wembley Stadium

Wakhtiga: 8:00

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester United ayaa garaacday Chelsea seddex jeer xilli ciyaareedkan: labo jeer oo horyaalka ah iyo hal jeer League Cup-ka ah kooxda kaliya ee 4 jeer garaacday Chelsea xilli ciyaareed kaliya waxa ay ahayd Man United kuwaas oo sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2010/2011.

Labada kooxood ayaa FA Cup-ka ku kulmaya xilli ciyaareedkii 4-aad oo xidhiidh ah iyada oo Blues garaacday United Finalkii Quarter Final-kii 2018 iyo Finalkii 2018 halka ay United badisay wareegii 5-aad ee tartanka xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay kulankii 7-aad oo xidhiidh ah guuldaro ka fogaato kulamada ay la ciyaarto Chelsea markii ugu horaysay qarnigan.

United ayaa ciyaareysa kulankoodii 30aad ee FA Cup semi-finalka – waana rikoor ay wada leeyihiin kooxda Arsenal laakiin Waxay noqon karaan kooxdii ugu horreysay ee gaarta finalka 21 jeer.

Chelsea ayaa ah kooxda ugu guulaha badan koobka FA Cup qarnigan, iyagoo gaarey sideed final iyada oo kulankan yahay Semi-final-kii 3-aad 4-tii sano ee ugu dambaysay iyo markii 11-aad qarnigan.

3 thoughts on “Man United Vs Chelsea

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *