Horiyaalka La Liga oo lagu bilaabi doono kulan “Derby” ah.

Horyaalka La Liga ayaa lagu soo waramayaa in uu dib u bilaaban doono 12 bisha June kuna beegan habeen jimce ah iyada oo lagu furi doono kulanka Sevilla Derby ee u dhexeeya kooxaha Sevilla iyo Real Betis.
Waxa warkna sheegay Barnaamijka Cadena Cope’s El Partidazo kaas oo sheegay in warka Mid Rasmi ah laga dhigi doono 28 bisha haatan ee May loona didi doono dhamaan kooxaha La Liga.
Warkan ayaa ka damba imanay kadib markii ay bilowgii bishan wargaysyada AS iyo Cadena Ser dheegeen in la qorshaynayo in horyaalka La Liga dib loo bilaabo bartamaha bisha June si loo dhamaystiro dhamaadka bisha July.
Agaasimaha Sevilla ee Monchi ayaa yidhi”Ma jirto qaab ka fiican oo uu La Liga ku soo laaban karo oo ka fiican kulanka Derby-ga waxana aan dhamaan sugaynaa soo laabasha ciyaaraha”.
Horyaalka La Liga ayaan la ciyaarin tan ilaa bartamihii bishii March waxana la joojiyay iyada oo loo balansanaa kulanka Sevilla Derby oo ka dhacayay garoonka Ramon Sanchez-Pizjuan stadium.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *