Suuqa kala iibsiga cayaartooda.

Dhamaadka xilli ciyaareedka ayaa soo galay iyada oo la filayo in uu suuqa kala iibsiga xagaagu furmo kadib marka ay dhamaadaan dhamaan tartamada xilli ciyaareedkan.

Kooxaha reer yurub ayaa sii dajisanaya qorshohooda suuqa xagaaga iyaga oo haatan bilaabaya in ay sii qiimeeyaan xiddigaha ay doonayaan ka hor inta ayna u dhaqaaqin xagaaga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee laga hadal hayay suuqa kala iibsiga maalin walba si aad ula socotaan waxa ay qorayaan wargaysyada yurub.

www.iftiinfm.co.ke ayaa soo xiganeysa wargaysyada ka faalooda sportiska ee ku hor xusan halkan.

Chelsea iyo Atletico Madrid ayaa isha ku haya daafaca Ajax iyo xulka Argentina Nicolas Tagliafico, oo 27 jir ah, kaasoo lala xiriiriyay Manchester City (Sun).

Manchester City ayaa ka go’an inay la soo saxiixato garabka Valencia Ferran Torres laakiin waxa ay u sheegeen kooxda reer Spain inaysan bixin doonin wax ka badan 35 milyan euro (Marca).

Tottenham ayaa qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa 15 jirka qadka dhexe ee kooxda Wigan Alfie Devine (Mail).

Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii haysto weeraryahanka reer France Alexandre Lacazette, oo 29 jir ah (Evening Standard).

Hadii ay Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang ka tagaan kooxda Gunners ayaa doonaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Celtic ee Odsonne Edouard (Bleacher Report).

Arteta ayaa ku adkeystay codsigiisa ku saabsan maalgashiga kooxda horaantii isbuucan inuusan aheyn isku day uu fariin ugu diray milkiilaha kooxda Arsenal Stan Kroenke (Express).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo daafac dhexe oo cusub xagaaga xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka xiddigaha Antonio Rudiger & Andreas Christensen (Sun)

Kooxda Man United ayaa kor u qaaday dadaalka saxiixa xiddiga kooxda Jadon Sancho ee Borussia Dortmund (Sun).

Brendan Rodgers ayaa ka digay inaysan jirin wax dammaanad qaad ah oo ah in Ben Chilwell uu sii joogi doono Leicester City xilli ciyaareedka soo socda (Sun).

Mikel Arteta ayaa doonaya in uu si toos ah ula wareego xiddiga khadka dhexe ee Dani Ceballos (Mirror).

Borussia Dortmund ayaa Man United u sheegtay in ayna Jadon Sancho ku iibin doonin wax ka yar 100 milyan oo euro xagaaga (Times).

Thiago Alcantara ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Liverpool ka dib markii Jurgen Klopp ogolaaday in la dhamaystiro saxiixa xiddiga (Express).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *