Guddiga EACC oo loogu baaqay in ay baaritaano ku sameeyso Xildhiabanada anan kaso qayb galin Kalfadhiyada barlamaanka.

Xildhibaanka sida Magacabista kuso galo aqalka barlamaanka ee dalka David Ole Sankok ayaa Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuqmasuqa ee EACC ugu baaqay in ay baaritaano ku sameeyaan Xildhiabanada anan kaso qayb galin Kalfadhiyada barlamaanka.

Xildhibaanka oo dhawaan ay Shirkada Mzalendo uu Magacawday Xildhibaanka sida joogtada ah uga qayb qaata doodaha barlamaanka ayaa Wax laga xumaado ku tilmaamay in Xildhibaanada laso doortay aynan kaso qayb galin Kalfadhiyada barlamaanka.

Xildhibaan Sankok ayaa Shacaabka kenyaanka ugu baaqay in aynan dib dambe uso dooranin Xildhibaanada ay warbixinta sheegtay in aynan ka qayb qaadanin doodaha barlamaanka.

Warbixin ay isbuuci hoore soo saartay Shirkada Mzalendo Trust Agencies ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanka deeganka waqoyiga Suba Millie Odhiambo ay tahay xildhibaanada ugu horeysa dhanka ka qayb qaadashada doodaha barlamaanka iyaada oo uu kaalinta labaad soo galat xildhibaanka sida Magacaabista kuso gala aqalka barlamaanka ee David Sankok.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *