Garissa, Wajir, Tana River iyo Mandera oo wayn doona ila iyo 17 Bilyaan oo shillin.

Xildhibaanada aqalka senetka lagu wada in ay maanta galinka dambe ka doodan Warbixinta Gudiga Qoondeynta Dakhliga ee ku sabsaan qaabka ay kountiyada dalka uu qaysban lahaayen Dakhliga dalka.

Gudiga Qoondeynta Dakhliga ayaa soo jeediyay nidaamka ay 47-da kounti uu qaybsan karaan 316.5-ta bilyaan ee kuso hagaagtay.

Qodobka 217-aad ee dastuurka farqigiisa 1-aad ayaa senetarada awood uu siinaya In ay shantii sanaabo mar go’amiyaan qaabka ay kountiyada uu qaybsanayaan dakhliga dalka.

Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay isbuucii hoore yeesheen senetaarada ayanan lagu baas marinin Biilkaasi kadib markii ay guddiga maaliyada ee senetka ay aqalka hoorkeenin warbixin anan dhameystirneen.

Ugu yaraan 21 Senetaaro oo kaso jeeda kountiyada la gacan bidxeeyo ayaa kaso horjeedsay Billkasi iyaaga oo sheegay in lacaga yar ay kuso hagaagi doonto kountiyadooda.

Sido kale 10 gavanaro ayaa Dowladda dhexe ka codsaday In ay muddo sanad ah dib uu dhigto baas maarinta biilkaasi.

Ismaamulo ay kamid yihiin Garissa, Wajir, Marsabit, Isiolo, Samburu, Turkana, Tana River, West Pokot, Lamu iyo Mandera ayaa wayn doona ila iyo 17 Bilyaan oo shillin haddii ay senetarada maanta biilkaasi meel maariyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *