Liverpool oo Saddax Xiddig iska iibineyso

Shabakada “The Athletic” ayaa  manta daboolka ka qaaday  in  kooxda  kubadda cagta ee  Liverpool ay iska fasaxi doonto saddex ka mid ah xiddigaheeda, si ay ula soo saxiixato weeraryahanka RB Leipzig ee Timo Werner, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga soo socda.

Magaca Timo Werner oo 24 jir ah ayaa lala xiriirinayey inuu u dhaqaaqayo kooxda Liverpool laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda, maadaama da’ayarkan reer Germany loo arko inuu yahay bar-tilmaameedka koowaad ee Reds suuqa xagaaga.

Haddaba Shabakada “The Athletic” ayaa wuxuu cadeeyay in Liverpool si ay u gaarto ujeedkeeda ah inay lasoo saxiixato Timo Werner, ay iska iibin doonto saddex ka mid ah xiddigaheeda suuqa kala iibsiga xagaaga ee soo aadan, kuwaasoo kala ah Xherdan Shaqiri, Marko Grujić iyo Harry Wilson.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *