Prof. George Magoha oo baaq xoogan uu diray maamulayaasha iskuulada secondariga iyo Primariga.

Wasirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa  manta  baaq xoogan uu diray maamulayaasha iskuulada secondariga iyo Primariga ee dalka .

Wasirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha  ayaa ugu baaqay  maamulayaasha iskuulada Primariga iyo Secondariga in ay dib ugu soo celiyaan waalidinta lacagaha  fiiga ah oo ay  bixiyeen term-ka labaad iyo seddexaad ee sanadkani .

Prof. George Magoha  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah waalidiinta ay horaan  uu bixiyeen   lacagaha fiiga ah ee term-ka labaad iyo seddexaad ee sanadkani .

Prof. George Magoha  ayaa sida oo kale sheegay in waalidiinta iyo maamulayaasha iskuulada Primariga iyo Secondariga  ay ku heshiin karaan in lacagahani  fiiga ah ay ardeyda ku akhristeen term-ka labaad iyo seddexaad ee sanadka 2021 oo iskuulada dib loo furaya .

Tan ayaa ku soo aadeysa iyadoo wasirka wasaraadda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha  uu maalintii shaleyto  shaaca ka qaaday in iskuulada dib loo furaya bisha January sanadka 2021-ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *