Xildhibaanada Barlamaanka oo edeymo dhowr ah loo soo jeediyey

Waxaa manta daboolka laga qaaday warbixinta sanadla ah ee ka hadleysa waxqabadka  xildhibaanada barlamaanka 12-aad ee dalka 

Warbixintani oo ay soo saartay  hey’adda Mzalendo ayaa waxaa lagu sheegay  in qaar ka mid ah xildhibaanada barlamaanka waxqabadkooda uu aad iyo aad uu hooseyso marka  ay ku jiraan barlamaanka.

Tirada Xubnaha Barlamaanka  ee aan  rayigooda ku darsanin  doodaha hadd iyo jeer ka dhax dhacaan  barlamaanka gudahiisa  ayaa aad iyoo aad uu badan sida  lagu sheegay warbixintani saaketo la soo saaray .

Ku dhawaad 21 xildhibaan ayey warbixinta Mzalendo sheegtay  in ay ku guul dareysteen in ay  rayigooda ama aragtidooda ay   ka dhibtaan doodaha  ka dhax dhaca barlamaanka gudahiisa. 

Labo ka mid ah xildhibaanadani ayaa kala ah xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Kapsaret  Oscar Sudi iyo dhigiisa   galbeedka magaalada   Nakuru Samuel Arama.

Warbixintani ayaa waxaa lagu sheegay  in  laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii labadani xildhibaan ay ku guul dareysteen in ay  rayigooda ama aragtidooda ay   ka dhibtaan doodaha  ka dhax dhaca barlamaanka gudahiisa. 

Xildhibaanada kale ayaa  kala ah  mudana laga soo doortay  konfurta Isiolo  Abdi Tepo, xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Balambala  Abdi Shurie,  Xildhibaanka laga soo doortay degmada Tarbaj  Ahmed Gacal,  mudanaha laga soo doortay  deegaanka galbeedka Mumias Johnson Naicca  iyo dhigiisa ee laga soo doortay  bariga laikipia Amin Deddy .

Dhanka kale warbixinta ay soo saartay hey’adda Mzalendo Trust ayaa lagu sheegay  in xildhibaanada  waxaqabadkooda uu sareeyo  gudaha barlamaanka ay kala ah xildhibaanadda  laga soo doortay waqoyiga Suba  Millie Odhiambo,  xildhibaanada sida magacabista ku galay barlamaanka Dr. David Sankok, xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Funyula Wilberforce Ojiambo , xildhibaanka deegaanka  Endebess Robert Pukose iyo dhigiisa  laga soo doortay bartamaha Kitui Benson Makali .

Dhanka kale  gudaha aqalka senedka ee dalka ayaa warbixinta waxay sheegtay in senetarada waxqabadkooda uu aad iyoo aad uu sareeyso ay kala  yihin senetarka Narok Ledama Ole Kina,  senetarka Bungoma Moses Wetangula , senetarka countiga Kericho  Aaron Cheruiyot iyo   senetarka countiag Migori Ochilo Ayako .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *