Wasaaradda beeraha ee dalka oo mamnuucday Sonkorta la soo dhoofiiyo.

Wasaaradda beeraha ee dalka  ayaa waxay mamnuucday  soo dhoofinta Sonkorta  waxayna  joojisay ruqsadihii ganacsiga.

Wasaaradda beeraha ayaa waxay sheegtay in talaabadani ay tahay mid lagu yareynaya Sonkorta qiimaha jaban ee  taalo suugyada kala duwan ee dalka  taasi oo saameysay beeraleyda .

Wasirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya  oo warbahaintala hadlay ayaa sheegay in  sonkortani dalka la keeno ay saameyn xoogan uu geysatay  wershadaha Sonkorta soo saara gudaha ee dalka .

Wasirka wasaaradda beeraha ee dalka Peter Munya ayaa sida oo kale sheegay in wasaaradiisu ay aragtay sonkor badan oo si sharci daro ah lagu soo geeliyey ee dalka  qasataan xadka Busia.

Amarkani ka soo baxay wasaaradda beeraha ayaa  ku soo begmeeya iyadoo  hoggamiyayaasha galbeedka ee dalka ay sheegeen in bur bur ay ku sii socdaan  wershadaha sonkorta ku yeelaan galbeedka dalka .

Dalka Kenya ayaa  waxaa loo ogol yahay in ay suuqa bariga iyo konfurta Africa ay ka soo  dhoofsato  350,000 oo taan oo sonkor ah .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *