Uruurka ay ku bahoobeen Shaqaalaha Duulista hawada sare oo cambareeyey shirkadda duulimaadyada dalka

Uruurka ay ku bahoobeen  Shaqaalaha Duulista  hawada sare  dalka  ayaa si kulul uu cambareeyey  go’aanka ay shirkadda duulimaadyada  dalka Kenya Airways ay shaqada uga  saartay qaar ka mid ah shaqaalaheed  xilligani oo dalka uu ka jiro cudurka Corona . 

Uruurka ay ku bahoobeen  Shaqaalaha Duulista  hawada sare ayaa sheegay in  shirkadda Kenya airways ay meel uga dhacday heshiiskii  la galay oo  dhibaatada cudurka Corona  looga badbaadinaya  shaqaalaha  iyo shirkadda Kenya airways .

Maamulka shirkadda diyaaradaha ee dalka Kenya airways  ayaa waxay  fasax  la’aan ah ay  uu dirtay qaar ka mid ah shaqaalaheeda taasi oo ka hor imaaneysa  heshiskii KAWU ee la galay .

Uruurka ay ku bahoobeen  Shaqaalaha Duulista  hawada sare  dalka ayaa sida oo kale ku eedeyey  maamulka shirkadda duulimaadyada ee dalka Kenya Airways  ay shaqada ka joojisay  ku dhawaad 48 qof oo si kumeel gaar ah ugu shaqeynayeen shirkaddaasi .

Ugu danbeyntii   xubnaha  uruurkani ayaa waxay sheegeen in  ay qaadayaan tallabooyin  lagu ilaalinaya xuquuqda shaqaalaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *