Shirkadda duulimaadyada ee dalka JumboJet oo si rasmi uu bilaabi doonto duulimaadyadeeda 15 bishaani July
Shirkadda duulimaadyada ee dalka JumboJet ayaa waxay sheegtay in ay duulimaadyadeeda ay si rasmi uu bilaabi doonto taarikhda marka ay tahay 15 bisha July ee sanadkani kadib markii dowladda ay daaqadda ka saartay xayiraaddi dhanka safarka sarneyd countiyada Nairobi, Mombasa iyo Mandera.
Sii haya xilka agaasimaha guud ee shirkadda duulimaadyada ee dalka Jumbo Jet Karanja Ndegwa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in diyaaradaha JumboJet ay saddax jeer maalin kasta uu duuli doonan magaalada mombasa , laba jeer ay maalin kasta tagi doonan magaalada Kisumu , laba jeer ay tagi doonan magaalada Eldoret
Mr Karanja Ndegwa ayaa sheegay in diyaaradahani jumbojet ay uu hoggansamayaan dhamaan tallaabooyinka iyo amarrada lagu xakameynaya faafitaanka cudurka Corona si loo ilaaliyo caafimaadka macamiisha .