Sara u-ka Ku yimad qiimaha gawaarida laga soo dhoofiyey dibedda saddaxdii bilood ee la soo dhaafay.

Qiimaha  gawaarida la soo dhoofiyey  dibedda ama  laga keeno ayaa saddaxdii  bilood  ee la soo dhaafay  waxay sara uu kacday boqolkiiba 16.86 .

Warbixin ay soo saartay  waaxda qiimeynta badecadaha ee dalka ayaa lagu sheegay in  22.24 bilyaan oo shilin oo gawaari ah  laga soo dhoofsaday ama laga keenay dibadda saddaxdii bilood ee ugu horeysay sanadkani  taasi oo ka sareysa  saddaxdii bilood ee ugu horeysay sanadkii 2019-kii ee  qiimaha gawaaridi la soo dhoofsaday .

Warbixinta ayaa waxay sida oo kale sheegtay in gawaarida laga soo dhoofsaday dibadda  ay gaarayaan 23,630 saddaxdii bilood ee  ugu horeysay sanadkani .

Sida oo kale waxaa boqolkiiba 25 hoos uu dhacay  saddaxdii bilood ee ugu horeysay ee  sanadkani  iibinta gawaarida cusub ee gudaha ee dalka  marka loo fiiriyo sanadkii 2019-kii .

Warbixin ay soo saartay  waaxda qiimeynta badecadaha ee dalka ayaa  lagu sheegay in  laga soo bilaabo bishii January ilaa May ee sanadkani  la iibiyey 3,811 gawaari oo cusub gudaha dalka  taasi oo loo aaneeynayo cudurka Corona

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *