Dowladda Talyaaniga oo uu ogolaatay 180 muhaajiriin ah in ay u galaan dalkeeda.

Dowladda Talyaaniga ayaa ogolaansho siisay muhaajiriin gaaraya 180 ruux oo laga soo bad baadiyay biyaha Mediterranean’ka.

Go’aankan ayaa yimid kadib todobaad ay muhaajiriintan xayirnaayeen iyadoona ugu danbeen loo ogolaaday in ay markabka ay saaran yihiin kasoo dagaan.

Waxaa laga qaaday Tijaabo dhanka caafimaadka ah iyadoona natiijada lafilayo in ay soo baxdo maanta oo Isniin ah.

Kadib waxaa lagusii qadi doonaa markab ay dowladdu leedahay waxaana ay gali doonaan 14 maalin oo xaalad karantiil ah.

Muhaajiriintan ayaa badankood waxa ay ka kala yimaadeen wadamo ay ku jiraan Pakistan, Eritrea iyo Nigeria.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *