Hoos u dhaca Ku yimaaday qiimaha cuntada iyo Cabitaannada aan khamriga ahayn 9-kii bilood ee la soo dhaafay.
Hoos uu dhaca qiimaha cuntada iyo Cabitaannada aan khamriga ahayn ayaa la soo sheegay in uu hoos uu sii dhigay qiimaha nolosha sagaalkii bilood ee la soo dhaafay in kasto qoysas badan ay saameyn xoogan ka soo gaartay cudurka Corona .
Warbixin ay soo saartay waaxda qiimeynta badeecooyinka ee dalka KNBS ayaa sheegeysa in sicir bararka uu hoos uu dhacay boqolkiiba 4.59 ee bishii June ee sanadkani .
Sicir bararka ayaa bishii May ee sanadkani waxaa uu gaaray 5.33 halka meeshii ugu hooseysay uu gaaray bishii September ee sanadkii tagay .
Bishii April ee sanadkani ayaa dowladda waxay soo saartay xayiraado dhowr ah oo lagu xakameynaya faafitaanka cudurka Corona kuwaasi oo saameyey noolasha kenyanka .
Warbixin ay soo saartay waaxda qiimeynta badeecooyinka ee dalka KNBS ayaa lagu sheegay in qiimaha cuntada iyo cabitaanadda aan khamriga aheyn ay hoos uu dhaceen boqolkiiba 1.27 bishii la soo dhaafay.