Xafiiska Dpp oo Kenyanka Wacyegelinaya

Xafiiska agaasimaha waaxda dambi oogista dalka  ODPP ayaa bilaabay in uu kenyanka la wadaago fariimo dhowr ah oo wacyegelin ah .

Xafiiska agaasimaha waaxda dambi oogista dalka  ODPP ayaa sheegay in  uu doonayo  in kenyanka ay baraan oo ay  fahamsiiyaan shaqooyinka ay qabtaan .

Xafiiska   ODPP ayaa sida oo kale sheegay in  maalin kasta oo khamiis ah uu si toos ah ula hadli doono kenyanka  laga bilaabo 10-kii  oo barqanimo .

Xafiiskani ayaa si toos ah  uu  adeegsan doono booga uu   ku lee yahay facebook-ga   halkaasi oo aad kenyanka ugu jawaabi doono sualaha  ay doonayaan in jawaab laga siiyo oo kusaabsan shaqooyinka uu qabto xafiiska agaasimaha DPP .

Xafiiskani  ayaa sida oo kale bartiisa tweetarka ku sheegay  in toddobaadkani uu diiradda saari doono dagaalka ka dhanka ah musuqa maasuqa .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *