Barcelona oo weli ka quusanla Neymar Jr.

Waxa jira taageerayaal badan oo ku riyooda in ay Neymar mar kale ku arkaan maaliyada Barcelona riyadaas ayaana noqon karta mid run aha xagaaga.

Xiddiga reer Brazil ayaa lagu soo waramayaa in uu kooxda PSG la meel dhigay shardi u ogolaanaya in uu ku biiro Barcelona xagaaga laakiin waa hadii ay Barcelona doonayso in ay Neymar dib u hesho.

Xagaagii hore kadib markii ay Barcelona si aad ah u doonaysay saxiixa xidiga ayay PSG Neymar la meel dhigtay shardi uu ugu laaban karo kooxda Barcelona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida ay arimuhu haatan yihiin PSG ayaa ogol in uu Neymar ku laabto Camp Nou xagaaga hadii ay Barcelona dadaal u galiso soo xero galinta xiddiga marka uu furmo suuqa xagaagu.

wargayska AS ayaa sheegaya in heshiiska shaqsiga ah ee dhexmaray xiddiga iyo Barcelona xagaagii hore uu ahaan doono sidiisii halka qiimaha ay Barcelona kula wareegayso xiddiga noqon doono 170 milyan oo euro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *