Dowladda countiga baringo ayaa waxay sheegtay in lacag dhan 6.17 bilyaan ay isticmaali doonto sanad misaaniyadeedkani kadib markii ay meel mariyeen wakiilada barlamaanka hoose ee countigaasi .
Dowladda countiga Baringo ayaa sheegtay in 3.4 bilyaan oo shilin ay ku bixin doonto dhanka musharaadka shaqaalaha ,hawlgallada iyo dayactirka ayaa loo qoondeeyay 856 milyan halka 1.9 bilyan oo shilin loo isticmaali doono dhanka horumarka.
Wasirka wasaaradda maaliyadda ee countiga Baringo Dr. Richard Rotich oo qaadka telefoonka kula hadlay warbaahinta qaran ee KBC-da ayaa beeniyey wararka sheegaya in maamulka sare ee countigaasi aysan baajeedka ama misaaniyadda uu gudbinin barlamaanka hoose
Wasirka wasaaradda maaliyadda ee countiga Baringo Dr. Richard Rotich ayaa sida oo kale waxbo kama jiraan ka soo qaaday qorshaha MCA-Yada ay wadaan oo ay ku doonayaan in ay xilka looga qaado isaga