Dowladda countiga Gaarisa ayaa shaaca ka qaaday iskaashi ay la sameynayso hayadda UNICEF oo loogu talagalay in kor loogu qaado diyaar garowga iyo xakameynta faafitaanka cudurka Corona
Agaasimaha caafimaad Abdullahi Daud oo barnamijkani xariga ka jaray ayaa sheegay in iskaashigani uu diiradda saari doono wacyegelinta bulshada iyo xakameynta faafitaanka cudurka Corona .
Barnaamijku wuxuu sidoo kale kaalin weyn ka qaadaan doono qaybinta qalabyada Dhaqida ee dhammaan xarumaha caafimaadka iyo meelaha kale oo suuqyada ay ka jiraan .
Countiga garissa ayaa waxaa uu ka mid yahay countiyada laga helay kiisas cudurka Corona .
Agaasimaha caafimaad Abdullahi Daud ayaa ugu baaqay shacabka deegaanka garissa in ay uu hoggansamaan amarrada iyo talooyinka ay soo saartay wasaaradad caafimaadka oo lagu xakameynaya faafidda cudurka Corona