Hoggamiyaha Xisbiga mucaraadka ee dalka ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa in sacadaha inagu soo adaan in uu dib ugu soo laabto dalka .
Hoggamiyaha Xisbiga mucaraadka ee dalka ODM Raila Odinga oo ku sugan Dubai ayaa lagu sameeyey qaliin lagu guuleystay .
Horaantii toddobaadkan ayay ahayd markii Raila Odinga uu qaliin u aadey isbitaal ku yaala Isutaga Imaaraadka Carabta.
Haweeneyda uu qabo Raila Odinga oo lagu magacaabo Ida Odinga ayaa warbaahinta uu sheegtay in ninkeeda Raila Odinga uu dib ugu soo laabanaya dalka ee manta .
Ms Ida Odinga ayaa warbaahinta kula hadashay xafiisyada Heyadda Jaramogi Odinga Foundation kadib markii lagu wareejiyey rashiin iyo Aalkolada gacmaha lagu nadiifiyo oo loogu talagalay in loo qeybiyo qoysaska saboolka ah ee ku nool degmooyinka kala duwan ee nairobi.