Madaxweyne uhuru kenyatta ayaa aqalka madaxtooyada ee magaalada tan nairobi wuxuu qaadka telefoonka kula hadlay reysul wasaaraha Britain Boris Johnson
Madaxweyne uhuru kenyatta iyo reysul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa waxay ku heshiiyeen in la bilaabo wadahadalada lagu xoojinaya xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dowladood kadib heshiiskii brexit .
Madaxweyne uhuru kenyatta iyo reysul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa waxay sheegeen in xooga la saaraya sidii lagu dhameystiri lahaa wadahadaladani iyadoo britain ay qorsheyneyso in ay si rasmi ah uga baxdo midowga yurub ee taarikhda marka ay tahay 31 bisha December ee sanadkani 2020-ka.
Hoggamiyayaashani ayaa waxay sida oo kale ka wad hadleen qaabka calaamka uu ula dgalaamaya cudurka safmarka ee Corona virus iyo arrimo dhowr ah oo ka dhaxeeyo labada dowladood .
Madaxweyne uhuru kenyatta oo si weyn uu amaanay dowladda britain ayaa sheegay in dowladda Britain ay mudada ay sii joogayaan dalka Britain uu kordhisay Kenyan badan oo halkaasi ku xayiran kuwaasi oo aan dalka dib ugu soo labaan karin sababo laxariira xayiradaha cudurka socdaalka ee COVID -19 ah oo ay dowladda soo rogtay .