Man Utd oo rikoor sameeysay.

Kooxda Man United ayaa xasuuqda kooxda Bourenmouth kulan ka tirsan premier League kana dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 33-aad ee horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Xiddigaha Mason Green Wood (2), Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Bruno Fernandes ayaa Man United ka caawiyay in ay gaadho guul weyn oo ay u qalantay.

Kadib guushaas weyn Kooxda Red Devils ayaa boodhka ka Jaftay rikoodh ay iska ilowday muddo 9 sano ah oo premier League ah.

Koxoda Man United ayaa dhalisay 5 Gool kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsan premier League markii ugu horaysay tan ilaa December 2011.

Wakhtigaas ayay Man United 5/0 ku xasuuqday kooxda Wigan ee haatan ka ciyaarta horyaalka heerka 2-aad ee England ee Championship-ka.
Waxa intaas sii dheer markii ugu dambaysay ee ay Man United Old Trafford ku dhalisay goolal ka badan 5 horyaalka premier League ayaa ahayd kulankii ay 8/2 uga badisay Asenal taas oo dhacday 4 bilood ka hor kulankii Wigan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *