Xisbiga ODM oo ka hadlay khilaaf ka dhax jiro barlamaanka

Guddomiyaha xisbiga mucaraadka ee dalka ODM John Mbadi ayaa beeniyey wararka sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay xildhibaanada taageersan Raila Odinga iyo Xildhibaanada taageersan madaxweyne uhuru kenyatta .
Guddomiyaha xisbiga mucaraadka ee dalka ODM John Mbadi  ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasinta ay si khaldan uu turmajeen  khilaafkii ka dhaxeeyey isaga iyo hogaamiyaha aqlabiyadda barlamaanka ee dalka .
Khilaafkaasi oo ku sabsnaa  hogaanka  guddigyada muhiimka ah ee barlamaanka .
Guddomiyaha xisbiga mucaraadka ee dalka ODM John Mbadi  oo warbaahinta la hadlay ayaa carabka ku dhuftay in khilaafka ka dhaxeeyo isaga  iyo Amoos Kimunya uu yahay mid kusabsan arrimaha guddigyada barlamaanka  balse uusan aheyd mid tabanaya hoggamiyayaasha labadaasi xisbi.
Xildhibaan John Mbadi  ayaa sida oo kale sheegay  in guddiyada barlamaanka  aan lagu xaleyn karin meel marinta ajeendhaha BBI-da  ee gudaha barlamaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *