Ururka KUSNET oo soo dhaweeyay magacaabista Dr Nancy Macharia .

Ururka  Macallimiinta Waxbarashada Baahiyaha Gaarka ah ee KUSNET ayaa sheegay in uu taageersan yahay in mar kale  xilka madaxa fulinta  guddiga adeega macalimiinta ee dalka TSC-da loo  soo magacaabo  Dr Nancy Macharia .
Dr Nancy Macharia  ayaa muddo xileedkeeda  waxaa uu dhaamaday taarikhda markii ay aheyd 30 bisha June ee sanadkani .
Ururka  Macallimiinta Waxbarashada Baahiyaha Gaarka ah KUSNET  ayaa ku baaqay in muddada loo kordhiyo oo mar kale xilkaasi loo  soo magacaabo Dr Nancy Macharia .
Baaqa ka soo yeeray  uruurka KUSNET ayaa ku soo aadaya iyadoo  madaxweynaha uruurka  garyaaqanada ee dalka Nelson Havi uu  ka soo horjeestay  in mar kale xilka loo  soo  magacaabo Dr Nancy Macharia
Madaxweynaha uruurka  garyaaqanada ee dalka Nelson Havi  ayaa sida oo kale warqad uu qoray   xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara isagoo ka digaya in muddo xileedka loo kordhiyo Dr Nancy macharia .
Ururka  Macallimiinta Waxbarashada Baahiyaha Gaarka ah KUSNET  ayaa ku eedeyey Uruurka LSK  in uu faragelin  ku sameynaya arrimaha  macalimiinta ee dalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *