Arsenal oo guul muhiim ah ka gaartay Wolverhampton.

Arsenal ayaa guul ka soo heshay kooxda Wolverhampton oo ay marti ugu noqotey garoonka Molineux Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-2, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League ee dalka England,

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Arsenal.

Daqiiqadii 43-aad Gunners ayaa hoggaanka u qabatay dheesha, waxaana 0-1 ka dhigay Bukayo Saka.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 86-aad kooxda Arsenal ayaa la timid goolkeeda labaad ee ciyaarta waxaana 0-2 ka dhigay Alexandre Lacazette, kaddib markii uu caawin ka helay Joseph Willock.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 0-2 ay ku adkaatay kooxda Arsenal oo marti ugu aheyd Wolverhampton garoonka Molineux Stadium.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *