Man City oo dooneyso saxiixa Lionel Messi.

Naadiga Man City ayaa xiiso dhab ah u muujisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Lionel Messi sida ay sheegayaan wararku.

Waxa saacadihii ugu dambeeyay soo baxaya warar sheegaya in ay Man City isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kadib markii uu xiddigu joojiyay wadahadaladii heshiis kordhinta waliba qirtay rabitaankiisa Barcelona.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in ay Man City diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa Lionel Messi dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in xiddiga Sergio Aguero iyo waliba tababare Pep Guardiola Man City ka caawinayaan saxiixa xiddiga Luonel Messi.

Xiddiga ayaa xidhiidh fiican la leh xiddiga Sergio Aguero oo ay isku xul yihiin halka ay Guardiola iskala soo shaqeeyeen Barcelona.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *