Waxda Cadaalada ee dalka oo qaab online ah ku shaqeyn doonto.

Madaxa Waxda Cadaalada ee dalka David Maraga ayaa Maanta xariga ka jaray barnaamij shacaabka uu fududeyn doono in ay  qaab online ah dacwadaha kuso gudbiyaan.

Madaxa Waaxda Cadaala ee dalka oo khudbaad ka jeediyay Xafladaasi ayaa sheegay In talaabadani ay tahay mid dhanka horumaarka loo qaaday isla markana ay shacaabka uu fududeyn doonto in ay soo gudbiyaan kisaska.

Madaxa Waaxda Cadaalada ee dalka David Maraga ayaa dhanka kale dowladda ka codsaday in ay lacaago badan uu qondeyso waaxda cadaalada sii barnaamijkasi ay uga fuliso dhamaan dalka.

Dhanka kale kuxugenka Madaxa waaxda  Cadaalada ee dalka Philomena Mwilu ayaa sido kale dowladda ka codsatay in ay Miisaaniyada uu kordhiso Waaxdaasi.

Agaasimaha waaxda dacwad oogida ee dalkaNoordin Haji oo isagana ka qayb galay Xafladaasi aya sheegay in barnaamijkan uu shaacabka uu fududeyn doono in ay sii dhib uu fudud uu helaan cadaalada.

Nuurdin Hajji ayaa sheegay in barnaamijan casriga ah uu yareyn doono Musuqmasuqa maadama qaab online ah lagu gudbin doono dacwadaha.

Agaasimaha waaxda dacwad oogida ee dalka Noordin Haji ayaa dhanka kale sheegay in barnaamijkasi uu waaxda uu horseedi doono hufnaan iyo in ay sii dhib fudud shacaabka ugu adegto.

Dhanka kale Madaxa Ururka Qareenada ee dalka Nelson Havi  oo xafladaasi ka qayb galay ayaa dowaldda ugu baaqay in ay misaaniyada uu krodhiso waaxda cadaalada sii barnaamijkan looga dhaqan gaaliyo guud ahaan dalka.

Nelson Havi ayaa sido kale sheegay in loo baahan yahay in la dajiyo sharciyo ilaaliyo barnaamijkasi online-ka ah sii aan loogu xadgudbin.

Hanaanka elektaroonigga ee maanta xariga laga jaaray aya qareenada iyo shacaabkaba uu suurta galin doona in ay Maxkamadaha uu gudbiyaan Dacwadahooda iyaaga oo joogo Tuulooyinka fogfog.

Barnaamijkan ayaa waxaa hada loo isticmaali kara oo kaliya Maxmakadaha Niarobi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *