Golaha Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDS-ka ee NACC oo Magacaabis sameeyay.

Golaha Qaran ee Xakamaynta Cudurka  AIDS-ka ee NACC ayaa Guddomiyaha gollahaasi uu Magacaabay Dr. Ruth Laibon Masha.

Dr Masha aya Xilkaasi kala waregeysay Dr. Nduku Kilonzo oo Xilkaasi hayay tan iyo 2014-ka isla markana uu hadda dhamaaday Muddo Xileedkiisa.

Guddomiyaha Cusub oo leh khibrad 20 sano  oo la xariirta  arrimaha fayruska HIV-ga  iyo Cudurada ka dhasha galmada ee ku dhaca xubanaha  taranka, ayaa hay’ada  NACC kaga soo biireysa hay’ada  Barnaamijka Wadajirka ah ee Qaramada Midoobay ee HIV ee  (UNAIDS) ee  Magaalada Geneva Switzerland, halkaas oo ay lataliye ka ahayd Isbahaysiga Kahortagga HIV ee Caalamiga ah iyo Caafimaadka dhalinyarada.

Dr Masha aya sido kale laso shaqeysay hay’adaha Action Aid iyo Family Health Options Kenya.

War qoraal ah oo kaso baxay Xafiiska Madaxa guddiga Golaha Qaranka ee Xakamaynta Cudurka  AIDS-ka ee (NACC) Angeline Siparo ayaa waxaa lagu sheegay in Dr Masha ay ay leedahay khibrad badan isla markana ay ka shaqeyn doonto sidii dalka `looga cirib tiri laha cudurka Aids-ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *