Wakiilka haweenka ee ismaamulka Lamu oo Shacabka deeganka Pate ku hoogaamisay banaanbaxyo looga soo horjoo koroonta la’anta soo foodsaartay deegaankasi.

Shacabka kunool deegaanka jasiiradda ah ee Pate ee ismaamulka Lamu oo ay hogaamineysay wakiilka haweenka ee  ismaamulka Lamu, Ruweida Mohammed ayaa maanta dhigay mudaaharaad ay kaga cabanaayan koroonta la’anta soo foodsaartay deegaanka jasiiradda ah ee Pate tan iyo 9-kii bishan Juunnyo.

Shacabka deegaanka deegaanka Pate oo careysani ayaa banaanbaxyo xooggan ka dhigay afafka hore ee shirkadda tamarta ee Faza iyaga oo dalbanaayo in dib loogu soo ceeliyo koronta.

Wakiilka haweenka ee  ismaamulka Lamu, Ruweida Mohammed ayaa hoosta ka xariiqday in cabashooyinka ay hooran jeediyeen aysan dhalin wax mara ah inkasto ay coodsi u dirsadeen shirkadda tamarta ee deganka iyo shirkadda tamarta ee Kenya Power.

In kabadan 20,000 oo qoys ayaa saameyn xooggan ka soo gaartay koroonta la’anta eegaanka jasiiradda ah ee Pate ee ismaamulka Lamu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *