Golaha ay ku mideysan yihiin gavanarda dalka ee COG oo baaq u diray xildhibanada aqallada hoose ee ismaamulada.

Golaha ay ku mideysan yihiin gavanarda dalka ee COG ayaa waxaa uu baaq u diray xildhibanada aqallada hoose ee ismaamulad.

Guddomiyaha CoG ahna gavanaha Kakamega Mr.Wycliffe Oparanya ayaa sheegay inaan xilligan la joogin waqtigii lagu mashquuli lahaa xilka qaadis.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wadanka uu wajahayo caqabad weyn oo dhanka caafimaadka ah sidaas awgeedna wakiillada golayaasha ismaamullada laga doonayo inay diiradda saaraan dhibaatada taagan.
Barasaabka Kakamega ayaa arrin nasiib darro ah ku tilmaamay in dhaqaale uu ku baxaya sidii xilalka hoggaanka looga xayuubin lahaa guddoomiyaasha ismaamullada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii aqalka sare uu sheegay inaan wax dembi ah lagu gelin barasaabka Kirinyaga Anne Waiguru oo ay wakiillada xilka ka qaadeen kaddib markii lagu eedeyay maamul xumo iyo inay dastuurka ku xadgudubtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *